WAR DEG DEG: Dagaal ka socda meel u dhow Kismaayo.
Soomaalinews.com 23 Sep 12, 15:37

Dagaal ayaa lagu soo warramayaa in uu ka socda afaafka hore ee deegaanka Birta-dheer oo 60 km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Dagaalka oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskambooni iyo militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-Shabaab ayaa ka dambeeyay kaddib markii ciidamada Xarakada Alshabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen Huwatan.

Khasaaraha dagaalka ka dhashay ilaa hadda ma cadda, qof goobjooge ah oo ku sugan Birta-dheer ayaa u sheegay Soomaalinews.com in dhawaqa rasaasta ay maqlayaan, dagaalkuna uu culus yahay.

Dagaalka ayaa daba socda iska hor-imaadyo toddobaadyadii ugu dambeeyey ka dhacayay gobolka Jubbada hoose oo salka ku haya qabsashada magaalada dekedda leh ee Kismaayo.

Faahfaahinta warkan la soco wixi ku soo kordha Insha Allaah.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698