Janaraal Indha Cadde oo ka hadlay Amaanka Muqdisho ee faraha ka sii baxaya.
Soomaalinews.com 23 Sep 12, 05:23

Janaraal Yuusuf Maxamad Siyaad Indha Cadde oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya horana u soo noqday Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga ayaa ka hadlay amaanka Muqdisho ee faraha ka sii baxaya.

Indha Cadde ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dilalka Qorsheysan ee magaalada ka dhacay maalmihii ugu dambeeyey, dilalkaasoo lagula kacay dad aan xiriir la hayan dowladda sida uu yiri.

“Marka hore waan cambaareenayaa dilkaasi iyo qaraxyada ka dhacay muqdisho waana arrin aad looga xumaado in dad rayid ah la dilo la iskuna qarxiyo laguna gumaado maqaaxi” ayuu yiri Janaraal Yuusuf Maxamad Siyaad Indha Cadde.

Taliska Hay’ada Nabad sugida ayuu sheegay Janaraal Indha Cadde inay jilceen oo ay gabeen shaqooyinkoodii, isagoo ugu baaqay inay 100 jibaaraan sugida amaanka magaalada Muqdisho.

Amaanka magaalada muqdisho ayaa ka baxay gacanta dowladda, kadib weeraro iyo dilal qorsheysan oo ka dhacay magaalada, waxaana qaar ka mid ah weerarada iyo dilalka qorsheysan sheegtay Xarakada Alshabaab.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698