Liiska Magacyada Weriyeyaashii ku dhintey iyo kuwii ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Muqdisho (Akhri Magacyada).
Soomaalinews.com 20 Sep 12, 18:11

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qasaaraha ka dhashay qaraxyo Maqribnimadii caawa lala eegtay maqaayadda Village oo ku taala magaalada Muqdisho.

HOOS KA AKHRI LIISKA WERIYE YAASHA KU DHINTEY IYO KUWA DHAAWACMAY.

Rasmiyan tirada qaraxyada looma xaqiijin karo balse waxaa la xaqiijiyey iney ahaayeen kuwo ay fuliyeen laba ruux oo qaraxyo lagusoo xeray kuwaasi oo iyagu isku qarxiyey goobaha ay dadku kaga badnaayeen maqaayadan oo lagu magacaabo Vilage oo ku dhegan guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

Dadka goobta ku dhintay waxey tiro ahaan gaarayaan 14ruux ayadoo dadka goobta ku dhaawacmayna ay tiro ahaan kor u dhaafayaan 20 ruux waxaana dadka goobta ku waxyeeloobay ku jiray wariyeyaal.

WERIYE YAASHA LASOO SHEEGAYO IN AY GEERIYOODAY:

1. C/raxmaan Yaasiin – Agaasimihii idaacadda VOD ee magaalada Muqdisho.
2. C/sataar Daahir Sabriye- Wariye ka tirsanaa Telefishanka Qaranka “SNTV”.
3. Liibaan Cali Nuur- Wariye ka tirsanaa idaacadda Raadiyo Muqdisho.

WARIYAASHA DHAACMAY:

1. Maxamed Xuseen Gentelman oo ka tirsanaa Telefishinka iyo Raadiyaha Qaranka.
2. C/laahi Suldaan – oo ka tirsanaa idaacadda Kulmiye.
3. Shiine oo isaguna ka tirsanaa Radio Kulmiye.
4. Maxamed Biibaaye- oo ka tirsanaa idaacadda Raadiyo Muqdisho.
5. C/kariin Guutaalle oo aanan hubin radiyaha ama TV-ga uu u shaqeynayey.

Waxaa jira dad fara badan oo rayid ah oo aan la hubin tiradooda rasmiga ah oo kunafwaayey qaraxyada inkastoo wararka hordhaca ah ay xaqiijinayaan 14 qof oo dhimasha ah.

Waqtiga oo habeen ah dartiis iyo wax tirakoob rasmi ah oo aan jirin ayaan loo heli karin tirada guud ee dadka waxyeeladu soo gaartay, balse waxaan isku dayi doonnaa, inaan markasta idiin soo gudbinno wixii ku soo kordha.

Dhamaan dhaawacyada iyo dhimashada ayaa loo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho iyadoo goobtii qaraxa ay gaareen ciidamada dawlada oo xiray dhamaan waddooyinka, waxaana socda baaritaano.

Dadka goobta ku dhintay waxey u badan yihiin dad rayid ah oo maqaayada ka shaahayey kuwaasi oo meydadkooda ilaa hada ay gaadiidka gurmadka deg dega ah goobta ka daabulayaan.

Innaa lilaahi waa inaa Ileyhi Raajicuun.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698