WAR DEG-DEG AH: Faahfaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya qaraxyo xoogan oo ay ku geeriyoodeen Wariyayaal uu ka mid ahaa Wariye Liibaan Cali Nuur.
Soomaalinews.com 20 Sep 12, 16:36

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo xoogan oo Salaada maqrib ka dhacay Maqaayada Village oo aan ka fogayn guriga Hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho, iyadoo Wariyayaasha qaraxa ku dhintay uu ka mid yahay Wariye Liibaan Cali Nuur.

Sida wararka nagu soo gaarayaan maqaayada oo lagu weeraray laba qarax Ismiidaamin ah waxaa ku sugnaa Wariyayaal dhowr ah, Agaasimayaal Idaacadeed, Saraakiil Ciidan iyo dad shacab ah.

Dhimada ayaa ilaa iyo hadda gaarayso 30 ruux oo wariyayaal, Saraakiil Ciidan iyo dad shacab ah isugu jira iyadoo dhaawacyadana intaasi ka sii badan yihiin, waxaana la dhigay goobaha caafimaadka oo caawa dhaawacyo ay buux dhaafeen.

Wariyayaasha Geeriyooday waxaa ka mid ah Liibaan Cali Nuur oo ka tirsanaa TV-ga iyo Radio Muqdisho, C/sataar Daahir, Shiine, Suldaan oo ah wariyayaal ka tirsan Radio Kulmiye, Agaasimihii Idaacada VOD C/raxmaan Yaasiin iyo wariyayaal kale oo ku sugnaa Maqaayada Village oo ah halka masiibadu ka dhacday maqribnimada Caawa ah.

Waxaa goobta gaaray kuna sugan hadda Ciidamo aad u fara badan oo goobta ka bilaabay howlgalo baaris ah wixii ku soo kordha kala soco wararka dambe.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698