Wararka naga soo gaararaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in sedex ka mid ah dadkii loo xiray inay ku lug-lahaayeen qarixii ka dhacay degmadaasi ee lagu bartilmaameedsaday wafdi uu hogaamiyey wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Axmed C/salaam ayaa la sheegay in xabsiga laga baxay, ka dibna la dilay.
Sida warku sheegayo kooxo hubeysan ayaa la baxay sedex ka mid ahaa dadkaasi loo heystay inay ku lug lahaayeen qaraxaasi, waxayna daqiiqado ka dib ay meydadkooda soo dhigeen duleedka magaalada Dhuusamareeb, waxaana la sheegay inaan la ogeyn sababta ay kooxdaasi ula baxeen raggaasi, isla markaasna ay u soo dileen, iyadoo saraakiisha Ahlu Sunna oo ka hadashay ay sheegeen inay wadaan baaritaan arrinkaasi ku saabsan.
Seddexda nin ee lagala baxay xasbiga magaalada Dhuusamareeb ka dibna la dilay ayaa waxaa magcyadooda lagu kala sheegay Cali Warsame Fiidow, C/weli Sheekh Cabdi iyo Saalax Xirsi Cigalle, waxaana la sheegay in sedexaasi nin ay ka soo wadajeedaan hal-beel, iyadoo la sheegay sidoo kale in labo ka mid ah raggaasi xalay la dilay halka kan kalena la dil;ay habeen hore.
Dhacdadan ayaa waxay ku soo aadeysaa iyadoo shalay shir jaraa’id oo uu qabtay Guddoomiyaha Golaha fulinta Ahlu Sunna Sheekh Yuusuf Maxamed Yuusuf Xeefoow uu sheegay in ninkii is qarxiyey lagu magcaabi jiray Maxamuud Cartan Cadaawe Culusow, iyadoo nin sheegay in magacaasi isaga la yiraahdana uu la hadlay warbaahinta, uuna sheegay inaan magacaasi inuu noolyahay, isla markaasna uusan isqarixin, weligisna uusan ka qeybgelin ciidan iyo wax la mid ah, uuna la yaabay markii uu maqlay magaciisa oo warbaahinta laga sheegayo.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com