Maamulka gobolka Sh/hoose ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dib loo howlgaliyay garoonka Diyaaradaha Deegaanka NO 50 ee gobolka Sh/hoose.
C/qaadir Maxamad Nuur Siidii oo ah Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Garoonka NO 50 uu yahay mid furan, ayna soo caga dhigatay diyaaradii ugu horaysay oo ay leeyihiin UN-ka.
Guddoomiyaha waxa uu sheegay inay farxad u tahay shacabka gobolka Sh/hoose dib u howlgalinta Garoonka Diyaaradaha NO 50 ayna soo caga dhigan karto diyaarad waliba.
Guddoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in diyaaradaha sida rakaabka ay kasoo dagi karaan islamarkaana dhawaan dib u habeyn lagu sameyn doono xafiiskii saadaasha hawada ee garoonka No-50.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com