Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo shalay ka hadlayey salaadii ciida ayaa sheegay in wada hadalkii ay la lahaayeen Soomaaliya ay ka dhursugayaan dowladda cusub ee loo dhisayo Soomaaliya oo ay la sii ambo-qaadi doonaan wadahadaladii hore ugu bilowday dowladda TFG-da ee wakhtigeedu dhammaaday, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yiri “Soomaaliya waxa noo socday wada hadalo. Maadaama oo dawladii hore wakhtigii ka dhammaaday waxaanu sugaynaa inta ay wax cusub ka dhisanayaan, Ilaahay-na waxaanu uga rajaynaynaa inay inuu xasilooni iyo is afgarad siiyo”.
Mr. Siilaanyo wuxuu sheegay inaanay Somaliland aqbaleyn dastuurka Soomaaliya oo sheeganaya Somaliland, wuxuuna yiri mar uu arrinkaasi ka hadlayey “Waxaanu Somaliland ahaan mowqifkayaga ku cadeynaynaa inaanaan ogoleyn dastuurka ay samaysteen Soomaaliya oo aanaan marnaba aqbaleyn inay sheegtaan dalkayaga iyo dadkayaga, waxaanu shalay aheyn laba dal oo isu yimid, maantana waxay shacbiga Somaliland sameysteen dowlad madax-banaan oo ku timid rabitaanka Bulshadda, waxay ummaddani ugu codaysay 97% inay ka go’aan Soomaaliya inteeda kale, waxayna sameysteen dastuurka iyo dawlad iyo goleyaal ku yimid codka dadweynaha”.
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ku dooday inay Somaliland buuxisay shuruudihii qaranimo ee looga baahnaa, waxaanu beesha caalamka ugu baaqay inay u tixgeliyaan rabitaanka ummadda, wuxuuna yiri “Cid kasta oo la timaada mowqif ka duwan qaranimadda Somaliland waxaanu u aqoonsan nahay dambiileyaal, waxaana la horkeeni doonaa sharciga oo cid kasta ka sareeya”.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com