Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga oo shalay ka hadlay kulan ka dhacay Xarunta Amison ee xalane ayaa waxa uu ka hadlay arimo badan oo kamid ah soo xulista Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya iyo sidoo kala doorashooyinka la filaayo in ey ka dhacaan Dalka.
Augustine Mahiga ayaa waxa uu baaq u diray Odayaasha dhaqanka ee haatan ku mash quulsan sooxulista Baarlaanka iney sida ugu dhaqsi yaha badan u soo dhameestiraan liiska Xilibaanada ka harsan si buu yire Xiliibanada cusub ey u bilaabaan howlahooda adag ee horyaala.
waxaa looga baahan yahay buu markale yiri Augustine Mahiga in Odayaasha dhaqanka ay si dag dag ah u soo dhameestiraan soo xulista Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya ey uga hoolgalaaan waajibaadkooda saran sidaasi waxaa yiri Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga.
Waxa uu kaluu soo hadal qaaaday waqtiga ay dhacayaan doorashooyinka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo sidoo kale kuxigeenadiiisa iyo midda Madaxweynaha, waxuuna tilmaamay in rajo wanaagsan laga qabo in loobilaabo howlaha doorashooyinka.
Augustine Mahiga ayaa waxa uu hadalkaan shaalay kajeedaiyay kulan ey yeesheen wakiilo kasocday wadamada beesha caalanka gaar ahaan kuwa daneeya arimaha Soomaaliya.
waxaana uu hadalkiisa imaanyaa xilli maanta ey ku began tahay 20 Agoosto walina ey san jirin talaabo hormarleh oo looqaaday dhanka Doorashooyinka cusub.
Ugu danbeyntii dowlada uu hatanna hogaamiyo Madaxweyne Shariif ayaa waqtigeeda ku eg maanta mana jiro is badal uu galayo dalka Soomaaliya.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com