Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u Hambalyeeyay umada islaamka gaar ahaan umada Soomaaliyeed munaasabada ciida Fitriga awgeed.
Musharax Farmaajo ayaa umada Soomaaliyeed u Rajeeyay Sanadkaan Sanadkisa kale in umada ka baxan dhibka hada ay ku jiraan isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ineey gacmaha is qabsadan oo ay iska kaashadan sidii dalkooda ay u hor marin lahaayeen.
Farmaajo wuxuu rajo ka muujiyay in is badal ka dhici doono dalka Soomaaliya wixii ka danbeeya Aug isagoo Sheegay in mihiim tahay in laga gudbo xiliga KMG.;
Ugu Danbeyntii Ra’iisul Wasaarihi hore ayaa wuxuu sheegay in Waqtigaan la joogo ay tahay xiligii umada soomaaliyeed ay heli lahaayeen dowlad Rasmi ah.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com