Magaalooyinka dalka Soomaaliya oo si isku mid ah looga ciidayo Maanta.
Soomaalinews.com 19 Aug 12, 05:48

Waxaa maanta inta badan magaalooyinka dalka Soomaaliya looga ciidayaa si isku mid ah, kadib markii habeenimadii xalay la shaaciyey inay maanta oo Axad ah ay tahay maalinta Ciidul Fidriga, waxaana magaalooyinka guud ahaan laga dareemayaa jawi Farxad iyo Reyn reyn ah.

Qeybo ka mid ah Magaalooyinka dalka Soomaaliya waxaa laga dareemayaa damaashaadka maalinta Ciida iyadoo caruurta iyo dadka waa wayn oo soo labistay dhar aad u bilic qurxoon ay isku marxabaynaya.

Magaalada Muqdisho wadooyinka kala duwan waxaa lagu arkayaa saaka dadweyne fara badan oo ku faraxsan dhammaadka Bisha Ramadaan iyo Bilishada Bisha Ciidul Fidriga oo dadku si weyn u wada sugayay.

Sidoo kale gobolada dalka Soomaaliya ayaa si isku mid ah looga ciidayaa maanta, waxayna dadku yihiin kuwo si guud uga wada qeyb qaadanaya munaasada ciida ee maanta.

Dhanka kale gobolada Waqooyi ayaa maanta si guud looga ciidayaa iyadoo aysan jirin wax khilaaf ah oo ku aadan dhanka Ciidul Fidriga.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698