Kooxo hubaysan ayaa caawa weerar bastoolado ah ku dilay Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Airport ee Magaalada Muqdisho.
Kooxahan ayaa Caawa Maqribkii ku toogtay Degmada Xamar weyne Marxuum Ibraahim Iimaan Xalane oo aha Maareeyihii Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Xiliga la dilayay Marxuumka waxaa la sheegay inuu ka soo baxay Masaajid uu ku soo dukaday Salaada Maqrib, waxaana toogtay kooxo hubaysan oo goobta ka baxsaday markii ay dileen Maareeyahaasi.
Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Xukuumadda KMG Soomaaliya Aadan C/laahi Aadan ayaa xaqiijiyey geerida Maareeyihii Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
.
C/laahi Sahal Gardhuub Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne oo ka hadlay dilka ayaa sheegay laba wiil dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubaysnaa inay dileen maareeyaha, kuna baxsadeen dhanka Buurkaroole Degmada Xamar jajab.
Howlgalo xoogan oo ay sameeyeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya kuma guuleysan inay soo qabtaan kooxahaasi.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com