Sheekh Xasan Daahir Aweys oo isku tilmaamay inuu yahay Gobonimodoon
Soomaalinews.com 04 Jul 12, 10:35

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha sare ee Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inuu aad ugu xun yahay dabaal dega xuska sanadguurada Qaranimada Soomaaliya, isagoo tilmaamay in aysan jirin Xornimo loo dabaal dego.

Wuxuu sheegay Xasan Daahir Aweys inuu jiro dulmi laga galay Shacabka Soomaaliyeed welina uu socdo dulmigaasi iyo gumeysi uu tilmaamay iney hormuud ka yihiin dowladaha Itoobiya iyo Yugaandha. “Waxaan u arkaa in Soomaaliya aysan helin xoriyad ay u dabaal degto, waxaa ka haboonaan laheyd intay munaasabado dhigiyaan inay iska dulqaadaan gumeysiga cusub ee duldegan” ayuu yiri wadaadka.


“Aniga uma fadhiyo inaan ka hadlo wax Al-Shabaab khuseeya ee waxaan ahay gobonimodoon doonaya inuu u hadlo sidii uu shacabkiisa uga bixi lahaa dhibaatada ka heysata xornimadooda” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dhinaca kale dhaliil u jeediyay Dowladdaha Islaamka oo uu tilmaamay iney dhabarka xejiyeen Shacabka Soomaaliyeed.


Mar uu ka hadlayay guusha Akhwaanul Musliminka Masar ee Madaxweyne Mursi ayuu sheegay iney gaareen qadiyaddii ay u halgami jireen, balse waxa uu ku eedeeyay Madaxweynaha cusub ee dalka Masar Maxamed Mursi inaanu khudbaddiisa marna ku soo darin arrimaha Soomaaliya.


Xasan Daahir wuxuu sheegay in xubnaha Dowladda KMG oo uu ku tilmaamay dabadhilif qadiayadi Soomaaliya ka iibiyeen wax uu ku tilmaamay gumeystayaal isla markaana xal u arkeen tagitaanka magaalada Addis Ababa iyo adeecida waxa uu faro hogaamiyaha Itoobiya Mellas Zenawi oo uu ku tilmaamay cadowga ugu weyn ee Soomaaliya ah.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698