Xulka Zambia oo markii ugu horaysay ku guuleystay Koobkii Qaarada Afrika.
Soomaalinews.com 13 Feb 12, 04:55

Xulka Kubada Cagta Zambia ayaa markii ugu horaysay xalay ku guuleystay koobka Qaarada Afrika, kaasoo Finalka ay la ciyaareen xulka lagu naaneeso Maroodiyaasha ee Ivory Cosat, waxayna Ciyaartii 130 Daqiiqo oo la ciyaaray ay ku idlaatay Bar baro Eber iyo Eber ah.

Daqiiqadii 70 aad ee qeybta danbe Ciyaarta Gool ku laad ay heshay Xulka Kubada Cagta Maroodiyaasha Ivory Coast waxaa ka qasaariyey Xidigooda ahna Kabtanka D Drogba.

Xulka Boolaboola ee Zambia ayaa markii ugu horaysay ku guuleystay koobkaasi markii Ciyaartu ay gaartay Rigoorayaal, waxaana xusid mudan in ay laba jeer oo hore u soo baxeen Fiinaalka Kooxda Qaaramada Afrika.

Kumanaan Taageerayaal ah oo ka soo qeyb galay ayaa xalay farxad iyo damaashaad soo bandhigay, iyadoo guusha ay gaartay xulka Zambia ay tahay mid taariikhi ah oo xalay si aan caadi ahayn guusha ku qaaday.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698