Pedro oo dib ugu soo laabtay kooxdiisa ka dib dhaawac uu la maqnaa
Soomaalinews.com 11 Feb 12, 15:37

Iyadoo qaar ka tirsan ciyaaryahanada kooxda koowaad ee Barcelona ay dhawaanahaan la maqnaayeen qaab dhaawac ah ayaa wararka haatan kooxdaais laga helaayo waxa ay sheegayaan in Pedro Rodríguez uu dib ugu soo laabtay kooxda.

Pedro Rodríguez oo kooxda uga maqnaa dhaawac dhanka kuruqa ah ayaa waxa uu haatan ka mid noqonayaa ciyaaryahanada Barcelona uga qayb galaaya kulanka ay caawa la ciyaarayaan kooxda Osasuna ee ka tirsan Horyaalka Laligaha.


xidigaan ayaa ka mid ah laacibiinta sida wayn uga dhex muuqda kooxdaasi natiijooyinka fiican,waxaana uu caawa ka midyahay ciyaaryahanada u safraya garoonka kooxda Osasuna ee Pamplona.


Barcelona aya waxaa sidoo kale dhaawac uga sii maqnaanaya ciyaaryahano ay ka midyahay Sergio Busquets,david Villa, Afellay, Fontàs, iyo Ciyaaryahan Kayta oo caawa xulkiisa Mali usafan doona Tartanka Qaramada Afriak ee kaalinta 3aad cida kusoo baxaysa waxayna la kulmayaan Ghana.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698