Andrey Arshavin oo ku biiray koox u ololeysa ra’isul wasaaraha Russia Vladimir Putin
Soomaalinews.com 09 Feb 12, 11:20

Weeraryahanka kooxda Arsenal Andrey Arshavin ayaa la sheegay in uu ku biiray koox tageerta reysul wasaraha wadanka Russia Vladimir Putin, Xili ay dad badan oo reer Russia ah kasoo hor jeedaan taliska Vladimir Putin ayuu xidiga garabka ka ciyaara ee kooxda Arsenal waxaa uu ku biiray dadka u ololeynaya Vladimir Putin si uu ugu guuleysto doorashada madaxtinimada .
 
Xidigaan ayaa waxaa ku wehliya ololahan lagu taagerayo reysul waasaare Vladimir Putin ciyaartooy can ah  sida Yury Zhirkov iyo Diniyar Bilyaletdinov,


Kooxdaan oo loo bixiyay  ‘walaalaha yar yar ee Putin’ waxaa ay ninkaan u matali doonaan goobaha doodaha iyo ololihiisa doorashada .
 
Arshavin, ayaa ayaa kula biiraya kooxdan dad gaaraya 500 oo qof kuwaas oo horey ugu biiray ‘walaalaha yar yar ee Putin’ waxaana ay tani noqotay mid ay dad badan aad ula yaabeen .
 

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698