Dowlada Kenya oo dhaliyaro Soomaaliyeed ka qab qabatay xuduuda kala dhexeysa Soomaaliya.
Soomaalinews.com 10 Mar 10, 07:56
SN:Ciidamada Milatariga ee ilaaliya xuduuda dalka Kenya ayaa qab qabtay dhalinyaro Soomaali ah oo gaaraya 20 ruux kuwaas oo wararka ay tibaaxayaan in loo dhaadhiciyay xabsiga Gaarisa gobolka waqooyi bari.
dhalinyaro Soomaali ah ee xabsiga la dhigay ayaa doonayay in ay u gudbaan dhinaca wadanka kenya waxaana lagu waramayaa in xabsiga ay ku jiraan in ka badan 50 kale oo lagu qab qabtay howlgalada ciidamada xuduuda ee dalka kenya.
Howlgalkan ay sameynayaan ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah howlgalo mudooyinkii u dambeeyay ay ka wadeen gudaha iyo xuduuda dalkaas uu la wadaago Soomaaliya waxaana lagu qab qabtay dad soomaali ah o ay ku jiraan masuuliyiin ka tirsan dowlada KMG ah.
Si kastaba ha ahaatee Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay xaaladaha ka jira gudaha Soomaaliya iyadoo ka baqeysa in ay saameyn ku yeelato waxa ka socda gudaha Soomaaliya waxa ayna marar badan ku cel celiyeen in ay Somaliya qatar kaga soo socoto.