Ciidamada Ilaalada Xuduudaha Dalka Kenya ayaa xabsiga Magaalada Gaarisa dhigeen dhalinyaro soomaali ah, kadib howlgalo ay ka sameeyeen gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.
Xabsiga Magaalada gaarisa oo horay ugu xirnaayeen dhalinyaro Soomaali ah ayaa lagu biiriyey dhalinyaradan kale howlgaladii ugu danbeeyey Ciidamada Xuduudaha ka sameeyaan halkaasi.
Kenaya ayaa horay shaaca uga qaaday inay xaqiijinayso amaanka, si taas loo helana ciidamo fara badan soo dhoobtay xadka si ay u sameeyaan howlgalo baaritaano ah.
Ugu danbeyntii Dowladda Kenya ayaa ka wal walsan xaalada dalka Soomaaliya, iyadoona ciidamada dalkeeda heegan u gelisay inay difaacaan xuduuda Kenya haddii ay ku soo fidaan dagaalada islaamiyiinta iyo dowladda KMG u dhaxeeyo.
Halkaan Ka Daawo