Dagaal xoogan oo saaka ka bilowday magaalada Muqdisho.
Soomaalinews.com 10 Mar 10, 04:53
SN:Dagaal culus ayaa saaka waabarigii ka qarxay xaafado ka tirsan dhinaca waqooyi ee magaalada Muqdisho ka dib weerar xoogaga ka soo horjeeda dowlada ay ku qaadeen farisimo ay cidamada dowlada ku leeyihiin degmooyinka shibis iyo cabdi casiis.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yahay mid aad u xoogan, islamarkaana laysku adeegsaday nuucyada kala duwan ee hubka oo ay ku jiraan madaafiicda kala duwan waxaana si weyn looga daraamay caasimada.
Degmooyinka Kaaraan shibis cabdi casiis ayuu dagaalka ka dhacay waxaana jira madaafiic u gudubtay xaafado ka durugsan goobaha dagaalka waxaana jira khasaaro ka dhashay I kasta oo aan lahelin tira koob dhab ah.
Wixii warar ah ee ka soo kordha waxaan ku soo kordhin doonaa wararka soo socda in sha allaah.