Guddoomiye ku xigeenka Gobolka banaadir Ururka xizbul islaam Sheekh Ibraahim Barre Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dilkii Suuqa bakaaraha loogu geystay Barre Cali Barre.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay inay wadaan baaritaano lagu ogaanayo sida dilka sarkaalkaasi u dhacay maanta, islamarkaana aysan ogayn kooxaha ka danbeeyey hase yeeshee ay maqleen dilka Sarakaalkaasi.
Suuqa bakaaraha oo ay gacanta ku hayaan kooxaha alshabaab iyo xizbul islaam Ciidamo fara badan ku soo daayeen ururkaasi maanta looga dilay suuqaasi Sarkaalkaasi oo tiro laba jeer ah ka badbaaday qorshe dil.
Ugu danbeyntii Labo maalmood ka hor ayay ahayd markii Sarkaal ka tirsan ciidamada Alshabaab lagu dilay isgoyska Sanca degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho, dilkaasoo aan la ogeyn cidda geysatay.
Halkaan Ka Daawo