Sarkaal ka tirsanaa Ururka Xisbul Islaam oo lagu magacaabi jiray Barre Cabdi Barre oo lagu dilay suuq bakaaro
Soomaalinews.com 09 Mar 10, 10:06

Bare Cali Bare oo ka mid ah Saraakiisha Ururka Xisbul Islaam ayaa daqiiqado lagu dilay agagaarka Masaajidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo dilkiisa ay geysteen Rag Hubeysan oo wajiyada soo duubtay.

Xaalada Suuqa Bakaaraha ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoo inta badan albaabada loo laabay ganacsigii ka jiray, kadib markii laga war helay dilka Sarkaalkan ka mid ah Xisbul Islaam.

Dhowaan ayay aheyd markii uu ka soo horjeestay isku biiridii Shabaab iyo Raaskambanooni oo uu horay ugu ahaa Afhayeen, taasoo ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah, isagoo eedeyn kulul u jeediyay shaqsiyaad ka mid ah Kaambooniyiinta oo Shabaabka la dhacsanaa.


Sarkaalkan ayaa wuxuu ka mid ahaa saraakiisha Xisbul Islaam ee sida weyn uga soo horjeestay ku-biiritaankii Shiikh Xasan Turki ee Ururka Xarakada Al-Shabaab, wuxuuna horay uga tirsanaa Saraakiishii Xisbiga ee gobollada Jubbooyinka.


Ururka Xisbul Islaam ayaa waxaa horay looga dilay Saraakiil, iyadoo aan ilaa iyo haatan si rasmi ah loo caddeynin ciddii ka dambeysay dilka saraakiishaas.

Halkaan Ka Daawo

 
©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698

 

The MobileStore - Best Mobile Phone Deals, Buy Mobile Phones, Cell ...

The MobileStore offers the latest and best mobile phone deals with Exclusive prices, buy mobile phones, cell phone accessories, prepaid and postpaid

Mobile Phones - Best Mobile Phone Deals on Orange, O2, T-Mobile, 3

Mobile Phone Deals, Free mobile phone deals from Orange, O2, T-Mobile, 3 and Vodafone. Samsung, LG, Nokia and Sony Ericsson cheap mobile phones.
 

Mobile Phone Offers On Orange, O2, 3, T Mobile And Vodafone ...e2save.com - Mobile Phones - Mobile Phone Offers On Orange, O2, 3, T Mobile And Vodafone . Cheap mobile phone deals from Nokia, Sony Ericsson, Samsung

Cheap Contract mobile phone deals & Broadband deals. & Large range of laptops