Nin u dhashay Dalka Eritrea islamarkaana heysta dhalashada Dalka Sweden laguna magacaabo Max’ed Ibraahim Axmed ayaa la soo taagay Maxkamad ku taala Dalka Maraykanka markii ninkasi lagu soo eedeeyey inuu taageero Maaliyadeed u fidiyey kooxaha ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya.
Ninka u dhashay Dalka Eritrea ayaa laga qabtay Dalka Nigeria, waxayna dowladda Nigeria u soo gudbisay Dalka Maraykanka si loogu maxkamadeedu Ninkaasi loo heysto intuu tababar ku soo qaatay Soomaaliya, islamarkaana taageero maaliyadeed oo aad u fara badan ku bixiyey kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMG.
Ninkan ayaa la shegay haddii Maxkamada maraykanka ku hesho faldambiyeedka loo heysto lagu ridi doono xukun shan sano ah.
Waxaa socda baaritaano lagu ogaanayo eedeymaha loo jeediyey ninkaasi u dhashay Dalka Eritrea laakiin heysta dhalashada Dalka Sweden, kaasoo ku xiran Dalka Maraykanka.
Ugu danbeyntii Dowlada Maraykanka iyo dalal badan oo Canada iyo Ingiriiska ay ka mid yihiin ayaa waxay Liiska Argagixisada Caalamka ku dareen ururka Al-shabaab oo dagaalo ka wada Koonfurta Soomaaliya.
Halkaan Ka Daawo