Xaafado ka mid ah degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu dilay Nin rayid ah oo ka mid ahaa dadka xaafadahaas mudada ku noolaa sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Dilka Ninkaan ayaa lagu waramay in ay fuliyeen kooxo ku hubaysan hubka fud fudud waxaana la ogayn sababtay ninkaas loo dilay iyo cida ka danbeysa dilkaas toona waxaana goobta isaga baxsaday ragii dilkaas fuliyay.
Meydka ninka rayidka ah ayaa waxaa goobta ka qaaday dadka deegaanka mana jiraan ciidamo ka tirsan kuwa dowlada KMG ah oo goobta soo gaaray iyadoo xaafadaha degmadaas ay gacanta ku heyso dowlada KMG ah.
Si kastaba ha’ahaatee degmada dharkeenleey ayaa waxaa ku soo laab laabta dilalka nuucaan ah ee loo geysanayo dadka shacabka waxaana maalmo ka hor halkaas lagu dilay labo ka mid ah dadka deegaanka.
Xafiiska Wararka Soomaalinews Muqdisho
Halkaan Ka Daawo