Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Yuusuf Maxamad Siyaad Indha Cadde ayaa sheegay inay ka xun yihiin Madaafiicda ku habsanaysa xaafadaha Dadka shacabka ah ku sugan yihiin.
Indha Cadde ayaa ku eedeeyey xoogaga hubaysan inay madaafiic daan daansi ah ku tuuraan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG oo heegan ugu jiraan inay jawaabo ka bixiyaan madaafiicda lagu bartilmaameedsado.
Dowladda KMG ayuu ka fogeeyey Sheekh Yuusuf Indha Cadde inay ku lug leedahay weerarada madaafiicdaasi ku la’daan dadka shacabka ah, balse waajib tahay haddii madafiic lagu soo tuuro Ciidamada AMISOM jawaabo ka bixiyaan qasaaraha ka dhashana eedeeda dusha uga riday Ururada Hubaysan.
Ugu danbeyntii Barqanimadii shalay Madfac habow ah oo ka yimid dhanka ciidamada AMISOM waxa uu ku habsaday Gaari BL ah oo marayay Deegaanka KM 13 ee Duleedka Magaalada Muqdisho waxaana ka dhashay Dhimasho iyo Dhaawac rakaabkii la socday gaarigaasi.
Halkaan Ka Daawo