SN:Madaafiic xoogan ayaa laga maqlay caawa magaalada Muqdisho taas oo aan la ogayn goobaha sida rasmiga ah ay ugu dhacayaan balse wararka ayaa sheegaya in madaafiicd ay tuurayaan Ciidamada Midowga afrika ee Soomaaliya ku sugan.
duqeynta ayaa si weyn looga dareemay xaafadaha degmada Hodon iyo deegaano kale oo ka tirsan magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxaana daryanka duqeyntaas laga dareemay goobo ka fog fog halka ay ku dhacayaan waxaana xusid mudan in cabsi ay dareemayaan dadka rayidka ah.
lama oga goobaha ay ku dheceen madaafiicdaas iyo khasaaraha ay geysteen intaba balse wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Soomaalinews.