Wafdiga Raiisul Wasaaraha Dowladda KMG ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke aya maanta ka dhoofay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Airport, waxayna ku sii jeedeen Magaalada Neyroobi ee Dalka Keyna si ay uga qeyb galaan Kullan Madaxeedka IGAD oo dhawaan ka furmaya halkaasi.
Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ahna Raiisul Wasaare ku xigeen Prof: Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo ka hadlay wafdiga Raiisul Wasaaraha hogaaminayay ee ka dhoofay garoonka Muqdisho ujeedoodu yahay sidii Raiisul Wasaaraha uga qeyb gali lahaa Kullan Madaxeedka IGAD, islamarkaana magaalada Neyroobi kullamo kula yeelan lahaa Madax ka tirsan Beesha Caalamka.
Wasiiro ka tirsan Xukuumadiisa ayaa horay u sii raacay wafdiga Raisul Wasaaraha iyadoona Wasiiro kale ku sugayeen Magaalada Neyroobi ee Dalka Kenya si Raiisul Wasaaraha ugu wehliyaan Shir madaxeedkaasi.
Halkaan Ka Daawo