Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jambuuriyadda Soomaaliya oo Saaka London gaaray
Soomaalinews.com 08 Mar 10, 21:21

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jambuuriyadda Soomaaliya, Mudane Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa saaka arroortii gaaray magaaldda London isaga oo wafdigu dalka Ingiriiska ku sugnaandoona ilaa subaxnimada Jimcaha ee 12-ka March, 20101.

Maanta duhurkii ayay bilaabanayaan kulamo aan kala go’lahayn oo Madaxweynaha iyo wafdigiisu ay la galayaan madaxda dalkan Britian, Jaaliyadda Soomaalida iyo Muslimiinta England.


Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Maaliyadda ahna R/wasaare ku Xigeen Shariif Xasan Sheekh Aaden, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ali Jama Jengali, Wasiirka Jaaliyadaha Dibadda, Cabdullaahi Ahmed Abdulle (Azhari), Wasiirka Haweenka Fowziya Maxamed Sheekh Xasan, Wasiirka Qorshaynta iyho Iskaashiga Caalamiga C/raxmaan Cabdishakuur, Wasiirka Tacliinta Sare Maxamed Cabdullahi Omaar, Xildhibaan Axmed Xasan Gabone (Ugaas Axmed-bile), Xildhibaan Cumar Idiriis iyo Sariikiil Sare oo ka tirsan Madaxtooyada oo ay mid yihiin Madaxa Xafiiska Madaxweynaha, C/kariim Xasan Jamac, Madaxa Protocolka Mursal M. Saney  iyo Madaxa Warfaafinta C/rashid K. Xaashi.


Galabta ayuu Madaxweynuhu la kulmayaa Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Gordon Brown iyo Wasiirka Arrimaha; kadibna waxaa uu Madaxweynuhu tagi doonaa Baarlamaanka Ingiriiska - Westminster - isaga oo shir halkaasi kula gali doona Mudanayaal Baarlamaanka iyo dowladda ka tirsan. Intaas kaddibna gelinka danbe ee galabta waxa uu Madaxweynuhu ka hadli doonaa Xarunta Aqoon-is-weydaarsiga ee Chatham House, isaga oo isla caawa booqasho ku tagi doona Markaz Islaami ah oo kuyaala magaaladan London.


Warfaafinta Madaxtooyada
media@sompresidency.org

Halkaan Ka Daawo

 
©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698

 

The MobileStore - Best Mobile Phone Deals, Buy Mobile Phones, Cell ...

The MobileStore offers the latest and best mobile phone deals with Exclusive prices, buy mobile phones, cell phone accessories, prepaid and postpaid

Mobile Phones - Best Mobile Phone Deals on Orange, O2, T-Mobile, 3

Mobile Phone Deals, Free mobile phone deals from Orange, O2, T-Mobile, 3 and Vodafone. Samsung, LG, Nokia and Sony Ericsson cheap mobile phones.
 

Mobile Phone Offers On Orange, O2, 3, T Mobile And Vodafone ...e2save.com - Mobile Phones - Mobile Phone Offers On Orange, O2, 3, T Mobile And Vodafone . Cheap mobile phone deals from Nokia, Sony Ericsson, Samsung

Cheap Contract mobile phone deals & Broadband deals. & Large range of laptops