Kullan gar wadeen ka tahay Dowladda Itoobiya oo Ahlusunna Wajameeca iyo Dowladda KMG uga furmaya Magaalada Addis ababa.
Soomaalinews.com 09 Feb 10, 09:55

Mas'uuliyiin ka kala tirsan Dowladda KMG iyo Ahlusunna Waljameeca ayaa lagu wadaa in kullan uga hadlayaan Arrimo fara badan uga furmaya Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.


Kullankan oo ah mid ay garwadeenka tahay Dowladda Itoobiya dhanka dowladda KMG waxaa uga qeyb galayaan Wasiiro, xildhibaano dhanka ahlusunna Waljameeca waxaa uga qeyb galaya Culumaa'udiin ay iska soo xuleen kuwaasoo ka imaanayaan badankood Gobolada dhexe ee Soomaaliya iyo kuwa Dibada ka imaanayaan.


Kullankan oo aan wali furmin laakiin socdaan qaban qaabada kullankaasi ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa sidii dowladda kMG iyo Ahlusunna Waljameeca iskaashi caalami ah oo ka dhan ah Ururada Al-shabaab iyo xizbul Islaam yeelan lahaayeen.


Gaba gabada kullankaasi marka uu qabsoomo waxay ka soo saari doonaan dhinacyadaasi bayaanka kullankooda marka uu ka furmo maalmaha soo socda Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.


Ugu danbeyn lama saadaalin karo rasmi ahaan waxa ka soo bixi kara kullankaasi garwadeenka ka noqon doonto Dowladda Itoobiya.

Cheap Apple iPhone 4 16GB
Apple
iPhone 4 16GB
Cheap Samsung Galaxy S 2
Samsung
Galaxy S 2
Cheap BlackBerry Curve 3G 9300
BlackBerry
Curve 3G
Cheap HTC Sensation
HTC
Sensation
Cheap BlackBerry Curve 8520
BlackBerry
Curve 8520

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698