Ciidamada Ururka Xizbul Islaam Gobolka Hiiraan oo howlgalo ka sameeyey Deegaanka Ceelgaal ee Waqooyiga Magaalada B/weyne.
Soomaalinews.com 06 Feb 10, 07:38

Saraakiisha Ciidamada Ururka Xizbul Islaam Gobolka Hiiraan ayaa sheegay howlgalo ay ku baacsanayeen kooxaha burcada ah ka sameeyeen Degaanka Ceelgal ee waqooyiga Magaalada B/weyn ee Xarunta gobolka Hiiraan.


Ciidamadan oo watay gaadiid dagaal ayaa howlgaladan ka sameeyeen Wadooyinka dhinaca Waqooyi ka soo gala Magaalada B/weyne gaar ahaan Isgoyska Kalbeyrka iyo Deegaanka Ceelgaal ee Gobolka Hiiraan.


Saraakiisha ciidamada Amaanka ururka Xizbul Islaam gobolka Hiiraan ayaa sheegay howlgalkan ay ka sameeyeen dhanka Waqooyiga magaalada B/weyne ay timid kadib cabasho ka soo yeertay dadka deegaanadaasi iyo wadayaasha gaadiidka Xamuulka oo dhibaatoyin kala kulmeen kooxo burcad ah oo wadooyinkaasi gaadiidka ku dhacaan.


Ugu danbeyn Ururka Xizbul Islaam Gobolka Hiiraan ayaa howlgalo marar badan ka sameeyeen ku soo qabqabteen kooxo burcad ah oo dhibaatooyin kala duwan kula kaceen dadka rayidka ah ee saran gadidka xamuulka iyo kuwa ku nool deegaanada waqooyiga Magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Halkaan Ka Daawo

 
©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698

 

The MobileStore - Best Mobile Phone Deals, Buy Mobile Phones, Cell ...

The MobileStore offers the latest and best mobile phone deals with Exclusive prices, buy mobile phones, cell phone accessories, prepaid and postpaid

Mobile Phones - Best Mobile Phone Deals on Orange, O2, T-Mobile, 3

Mobile Phone Deals, Free mobile phone deals from Orange, O2, T-Mobile, 3 and Vodafone. Samsung, LG, Nokia and Sony Ericsson cheap mobile phones.
 

Mobile Phone Offers On Orange, O2, 3, T Mobile And Vodafone ...e2save.com - Mobile Phones - Mobile Phone Offers On Orange, O2, 3, T Mobile And Vodafone . Cheap mobile phone deals from Nokia, Sony Ericsson, Samsung

Cheap Contract mobile phone deals & Broadband deals. & Large range of laptops