Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo buuxiyay Kalabayrka iyo Jawiil iyo cabsi ka taagan gobolka Hiiraan.
Soomaalinews.com 19 Dec 09, 11:45

Ciidamo aad u fara badan oo Itoobiyaan ah ayaa maanta barqadii soo buux dhaafiyay deegaanada Jawiil iyo Kalabayrka ee gobolkaasi Hiiraan, iyadona arrintaasi ay cabsi weyn ku abuurtay dadka ku dhaqan deegaanadaasi iyo kuwa Hiiraan.


Ciidamada Itoobiyaanka oo tobaneeyo gaadiidka dagaalka ku qalabeysan ayaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay dhaq dhaqaaq xoogan ka wadeen deegaanadaasi isla markaana ay saaka usoo ruqaansadeen dhanka Gobolka Hiiraan.


Warar madax banaan ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiyaanka ay kusoo jeedaan tuulooyin dhaca woqooyiga magaalada Baladweyne oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Xisbul Islaam.


Dadka rayidka ah ee ku dhaqan tuulooyin aysoo galeen ciidamada Itoobiyaanka ayay cabsi xoogan lasoo gudboonaatay, waxaana qaarkod ay hadda bilaabeen in ay isaga cararaan goobahaasi.

Cheap Apple iPhone 4 16GB
Apple
iPhone 4 16GB
Cheap Samsung Galaxy S 2
Samsung
Galaxy S 2
Cheap BlackBerry Curve 3G 9300
BlackBerry
Curve 3G
Cheap HTC Sensation
HTC
Sensation
Cheap BlackBerry Curve 8520
BlackBerry
Curve 8520

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698